Shariif Xasan oo farriin soo dhigay FB

Muqdisho (Caasimada Online) –  Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo doorweyn ku lahaa in ay dhacdo doorashada maamulka seddaxda gobal ee maanta ka dhacday Baydhabo, ayaa soo hadlay isagoona u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay.

Qoraal kooban oo uu Shariif Xasan ku soo qoray boggiisa Facbook ayuu sheegay in uu la dhacsan yahay wixii saakay ka dhacay Hotel Bakiin, waana mid loo ballansanaa ayuu yiri.

Shariif Xasan ayaa yiri “Waxaan u hambalyeynayaa Madaxweynaha Cusub maamulka 3 Gobol, Baay, Bakool iyo Shabelaha Hoose Mohamed Haji Abdinur (Madeer) oo ku guuleystey Dorashadii qaban qaabadeeda soo soctey in mudo ah, iyadoona maanta oo kahmiis ah 27 maarso aheeyd goortii lagu balamey in ay dhacdo, taasoona si wanaagsan u dhacdey ayna shacabka deeganadaasi u doorteen madaxweynahooda 5ta sano soo socto, Anagana waxaan la garab istaagi doonaa taageero walbo oo aan aboodno”

Ugu dambeyn wuxuu yiri “Waxaan leeyahay reer Koonfur Galbeed Nabad iyo Midnimo Mahadsanidiin.”

Si kastaba, hadalka Shariif Xasan ayaa u muuqda mid uu aad ugu qanacsan yahay wixii maanta ka dhacay Baydhabo, isagoona ninka loo doortay madaxweynaha maamulkaas ay dhinaca hooyada ay walaalo ka yihiin.

Waa nin ay isla soo shaqeeyeen in muddo ah gaar muddooyinkii uu xilalka guddoomiyaha baarlamaanka iyo wasiirka maaliyada ka soo qabtay dowladihii KMG ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com