Sawirro iyo Xog: Nin la dhashay Shariif Xasan oo loo doortay madaxweyne

Baydhabo (Caasimada Online)-Ilo xog ogaal ayaa u sheegay Caasimada Online, in ninka loo doortay madaxweynaha maamulka seddaxda gobal ee koonfur-galbeed uu la dhashay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Afhayeenka maamulka seddaxda gobal Maxamed Aadan Fiqi, ayaa u sheegay Idaacad maxali ah oo ku taalla Muqdisho in Maxamed Xaaji Cabdinuur oo ah ninka ku guuleestay doorashada saakay ka dhacday Baydhabo ay isku hooyo yihiin Shariif Xasan.

Wuxuu sheegay in uu xaq u lee yahay qof Shariif Xasan ay walaalo yihiin in loo doorto maamulka, isagoona intaas ku daray in uu yahay nin aqoon yahan.

Madaxweynaha cusub ee maamulka Seddaxda gobal ee K/Galbeed Maxamad Xaaji Cabdinur Madeer
Madaxweynaha cusub ee maamulka Seddaxda gobal ee K/Galbeed Maxamad Xaaji Cabdinur Madeer

Maxamad Xaaji Cabdinur Madeer ayaa loo doortay inuu madaxweyne ka noqdo maammul goboleedkaas kaddib markii uu helay codadka 713-ergooyinka joogay goobta doorashadda oo ahayd hotelka Bakiin ee Baydhabo, waxaa ka aamusay 10 oday dhaqameed, siddaas waxaa shegeya guddiga doorashadda maamulka seddaxda gobal.

Wuxuu ka guuleestay Ibraahim Cabdinuur oo horrey u ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan dowladihii KMG ah.

Ninkan ayaa la soo shaqeeeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan, xilligii uu ahaa afhayeenka baarlamaanka iyo markii uu ahaa wasiirka maaliyadda.

Waa nin ay aad isku dhow yihiin Shariif, sidoo kale dhinaca hooyada ayey walaalo ka yihiin Shariif Xasan Sheekh Adan.

Sharif Xasan ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa maskaxda ka damaysay shirka lagu dhisayo maammulka saddexda gobol.

Dhowr toddobaad ka hor ayaa isla magaalad Baydhabo madaxweyne loogu doortay Madobe Nunow.

Maammulka Madobe Nunow ayaa sheegay inay hoos yimaadaan lix gobol, oo ay ka mid yihiin saddex hoos tago maammulka KMG ee Jubbooyinka.

Baydhabo waa magaalo hoos-tagta seddax maamul, waa mid Lixda gobal, mid kale oo ah Seddax gobal iyo kan Shabeelle State.

doorasho

doorasho1

doorasho2

doorasho3

doorasho5

doorasho6

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

Caasimada@live.com