Qorshihii Shariif Xasan oo meel maray

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo waxaa maanta oo Khamiis ah ka dhacday doorashada maamulka seddaxda gobal, waxaana loo doortay Maxamed Xaaji Cabdinuur Madeer.

Ninkan ayaa la sheegay in ay dhinaca hooyada walaalo ka yihiin xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Adan.

Wariye ka tirsan Caasimada Online oo ku sugan goobta doorashada ayaa sheegay in madaxweynaha cusub loo doortay Maxamed Xaaji Cabdinuur, kaddib markii uu helay in ka badan 700 oo ergo oo ahaa odayaashii joogay doorashadda.

Doorashada waxaa isku soo taagay ilaa labo musharrax oo kala ah Maxamed Xaaji Cabdi Nuur iyo Ex Xildhibaan Ibraahim Cabdinuur.

Wariyaha ayaa sidoo kale soo sheegay in doorashada ay ku dhacday qaab gacan taag oo waxaa doortay madaxweynaha cusub odayaasha soo dhisaya maamulka koonfur galbeed Soomaaliya.

Goobta doorashadda ayaa aad loo adkeeyay waxaana la dhigay ciidamo fara badan oo isugu jirra AMISOM iyo dowladda Soomaaliya.

Waxaa hadda goobta ka  hadlaya qaar ka mid ah odayaasha ka qayb qalay doorashadda iyo musharrixiinta la guuleestay.

Waxaa kaloo dhimman qubada madaxweynaha cusub ee saakay lagu doortay Hotel Bakiin ee magaalada Baydhabo.

Si kastaba, Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhawaan sheegay in maamlinta Khamiisa ay dhici doonto doorashada maamulka seddaxda gobal.

Magaalada Baydhabo waxaa hadda ka dhisan labo madaxweyne iyo labo maamul gobaleed, mana cadda sidda arrintan ay u maareen doonto dowladda Soomaaliya.

Xaalada magaalada ayaa saakay deggan, in kastoo laga cabsi qaba in dibadbaxyo ay ka dhacaan maadama sakaay la qabtay doorashada maamulka seddaxda gobal.

Khalalaaso siyaasadeed ayaa ka taagan magaalada Baydhabo oo hadda labo maamul ay ka jiraan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

Caasimada@live.com