DF SOMALIA oo Kenya ku eedeesay in ay uga baxday heshiisyo ay galeen

Nairobi (Caasimada Online) –  Dowladda Soomaaliya ayaa si caro leh uga hadashay war ka soo baxay wasaaradada arrimaha gudaha Kenya oo ku saabsan in qoxootiga Soomaalida ee ku nool magaalooyinka dalkan in ay iska xaadiriyaan xeryaha qoxootiga Kaakuma iyo Dhadhaab.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya, Maxamed Cali Nuur oo caawa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay aad uga naxeen hadalka ka soo baxay Kenya wuxuuna ku tilmamaay mid aaney la ogeyn dowladda Soomaaliya iyo hey’adda qoxootiga QM u qaabilsan ee UNHCR.

Wuxuu sheegay in wax suura gal ah aaney in Soomaalida dhan ee ku magaalooyinka la dhaho aada xeryaha qoxootiga Kenya oo haddaba ah kuwa buux dhaafay oo ay dad ku jiraan.

“Arrintan shaley ayaan maqalnay, waxaana markii ay soo baxday anniga iyo shaqaalaha safaaraada xiriiro la sameenay madaxda Kenya gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibedda iyo dowladda Soomaaliya, berri waxaa imaanaya Nairobi wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Beyle, isagoona la kulmi doona wasiirka arrimaha dibedda Kenya Amiina Maxamed, waxaana ay kaha hadli doonaan arrinta soo korartay”

Danjire Amrica oo la weydiiyay in Kenya ay tiri Soomaalida sharci darada ku joogta magaalooyinka waa argagixiso, wuxuu yiri “Dhammaan 500, kun oo qof ee ku nool Kenya ma ahan aragixiso”

Si kastaba, dowladda Kenya ayaa amar ku bixisay in qoxootiga Soomaalida aaney soo dhaafi karin xeryaha qoxootiga Dhadhaab iyo Kaakumo, maadama falal ammaanka lid ku ah ay ka dhaceen magaalooyinka sidda Mombasa oo dhawaan la weerarray kaniisad.

Dhinaca kale, hey’addaha HRW iyo Refuge Concern ayaa cambaareeyay hadalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Kenya waxaana ay ku tilmaamay in uu yahay mid naceeb iyo khalalaaso hor leh abuuraya ee aaney soo kordhineyn ammaan, waxaana ay dowladda Kenya ugu baaqeen in ay ka laabato go’aankaas,

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com