GAAS oo shir ka dhan ah DFS markab dushiisa kula yeeshay dalalka Yururb

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta Markab dushiisa kula shiray Wakiilka Midowga Yurub ee Somalia iyo dhowr safiir oo dalalka Yurub ka socda.

Markabka uu shirkan ka dhacay ayaa kusoo xirtay duleedka xeebta magalada Boosaaso wuxuna socday mudo ku dhow lix saac.

Shirka intiisa badan, ayaa waxaa looga hadlay cabashooyin ay Puntland qabtay iyo dacwado ka dhan ah dowladda Somalia, ayada oo ku doodeysay inaan xaqeeda laga siin.

Afhayeenka madaxtooyadda Puntland Cabdilaahi Quraan jecel oo la hadlay goor warbaahinta, ayaa sheegay in muhiimada kullank ay ahayd sidii beesha caalamka loogu bandhigi lahaa qorshaha xukumadda ee waxqabad iyo helitaanka qaybta ay Puntland ku lee dahay dhaqaalaha magaca Somalia lagu soo qaado.

”Madaxweynaha waxa uu ku dhaliilay reer Yurub iyo UN-ba inay Puntland ay ka mid tahay Somalia, islamarkasna dhaqaale badan la siiyo Koonfurta Somalia, Muqdishona la geeyo, iyadoo magaca umadda lagu soo qaaday qaasatan wixii amni ku saabsan, ciidamada DF ay ka mid yihiin kuwo PL marka in kuwa PL la qadiyo kuwa DF tababaro iyo wax kale la siiyo” ayuu yiri Quraanjecel.

Quraanjecel, ayaa sheegay in dalalkii uu la shiray Gaas ay u balan qaadeen inay badali doonaan siyasadooda gudaha.

Puntland, ayaa horey u sheegtay inay ka baxday dowladda Somalia, islamarkaana ay xiriirka u jartay.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay labada dhinac inay isla soo qaadeen sidii wax looga qaban lahaa jariifka baahsan ee lagu hayo xeebaha Puntland iyo kooxda burcad badeedka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com