Ethiopia oo ka hadashay sida laga yeeli lahaa dadka loo qabtay dilka Soomaalida

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday inay gacan ku dhigtay dhalinyaro farabadan oo la sheegay inay ku lug lahaayen xasuuqii Soomalida loogu geystay deegaanka Hawadaay ee Ethiopia.

Negeri Lencho oo ah Wasiirka Warfaafinta Ethiopia ayaa sheegay in dadka la qabtay ay gaarayaan ilaa 200 ruux kuwaa oo lagu tuhunsan yahay weerarka lagu dilay Soomaalida.

Negeri Lencho ayaa hadalkan ka sheegay shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Addis ababa waxa uuna tilmaamay in baaritaano lagu hayo dadka loo qabtay falka.

Mr Negeri Lencho waxa uu cadeeyay in ujeedka xariga dadkaasi uu yahay mid looga gol leeyahay xasiloonadii deegaanadaas oo dib loo soo celsho.

Wasiirka waxa uu intaa raaciyay in deegaanka Hawadaay la geeyay ciidanka difaaca qaranka iyo booliska federaalka si deegaanadaas ay nabad ugu soo dabaalaan.

Sidoo kale, Wasiir Negeri Lencho ayaa carab dhabay inay jireen dedaalo horay loo sameeyay si xal looga gaaro xuduudaha labada kilil iyadoo bulshada kunool labada dhinac laga qeyb gelinayo isla mar ahaantaana loogu kala xadeeyo deegaanada lagu muransanyahay.

Wasiirku wuxuu sheegay in dedaaladaas dhaliyeen in bishii April ee sanadkan labada dhinac kala saxiixdeen heshiis la xiriira xuduudihii lagu muransanaa isagoo intaas raaciyay inuusan garanaynin waxa dagaaladan cusub soo celiyay.

Geesta kale, colaada ka dhex aloosan Soomaalida iyo Oromada ayaa sabab u noqday ganacsiga u kala gooshi jiray deegaanada labada kilil.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com