ETHIOPIA oo kala dhex gashay Puntland & Somaliland (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa  la hadashay maamulada Somaliland iyo Puntland oo maalmahaan ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag, gaar ahaan duleedka degmooyinka Dhahar iyo Xiingalool.

Ethiopia ayaa labada maamul kala hadashay sidii loo joojin lahaa xiisadaha dagaaleed ee ka taagnaa duleedka degmada Dhahar, waxaana soo baxaya warar sheegaya in saraakiisha labada maamul ay qaateen hadalka Ethiopia.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno farumaha dagaalka ayaa sheegaya in ciidamada labada dhinac ay bilaabeen iney baneeyeen deegaanadii la isku horfadhiyay gaar ahaan deegaanka Booda Cade.

Ciidamada Somaliland oo saldhig ciidan ku lahaa deegaanka ayaa la sheegayaa iney ka baxeen deegaankaasi, iyagoo aaday dhanka iyo degmada Cerigaabo, halka Ciidamada Puntland ay kasoo dhaqaaqeen dhankooda deegaanka.

Dadka deegaanka qaarkood oo aan la hadalnay ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqa dib u gurashada ciidamada laga dareemayo deegaanada gobolka Sanaag, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan iney ku faraxsan yihiin in ciidamada ay kala dhaqaaqaan.

Odayaasha dhaqanka ee gobolka Sanaag ayaa dhankooda waxay wadeen dadaalo nabadeed, balse wey ku adkaatay iney ciidamada kala qaadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com