Ethiopia oo Kenya qoorta u surtay mas’uuliyada jabhada Raskambooni.

Xog dheeri ah ayaa kasoo baxeysa kullan dhowaan magaalada Nairobi ku dhex maray madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki iyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn.

Inkasta oo warbixinadii horey aan uga qornay kullankaas ay sheegayeen in inta badan looga hadlay sidii labada dal ay uga wada shaqeyn lahaayeen nabad kusoo dabaalida Somalia, ayaa haddana warar kale oo aan helnay waxa ay muujinayaa in kullanka uu intaas ka kululaa.

Ilo-diblomaasiyeed oo jooga Nairobi ayaa Caasimada Online u sheegay in Dowladda Ethiopia ay si cad ugu sheegtay Kenya inaysan marnaba ku qanacsaneyn waxa ka socda Nairobi, halkaasi oo lagu dhisayo maamul goboleedka Jubbaland State.

Sida la ogyahay waxaa dhismaha maamulkaasi hormuud u ah Jabhadda Raaskambooni, waxaana la filayaa in madsaxda maamulkaas kuwa ugu sareeyaa ay ka yimaadaan kooxdaas.

“Ethiopia waxa ay Kenya u sheegtay inay ka cabsi qabto inuu jiro xiriir ka dhaxeeya Raaskambooni iyo ONLF, islamarkaana maamul halkaasi ka hana qaaday uu suurta gelin karo in ONLF iska abaabusho halkaasi” ayuu yiri Cabdi Guuleed Xasan oo ah Diblomaasi Soomaaliyeed oo jooga Nairobi.

Hase yeeshee Dowladda Kenya ayaa ku dooday in dadka deegaanka ay dhisanayaan maamul aan wax caqabad ah ku heyn Ethiopia, dalalka kale ee deriska ah iyo sidoo kale Soomaalida kale.

Waxa kale oo ay Kenya ballan qaaday in maamulka halkaasi uusan ku koobnaan doonin kaliya Raaskambooni, balse laga qeyb eglin doono dhinacyo kale oo badan.

Si kastaba sida uu yiri Cabdi, Ethiopia waxa ay Kenya qoorta u surtay mas’uuliyadda wax kasta oo ka yimaada maamulka halkaasi ay ka dhiseyso, islamarkaana u sheegtay in Ethiopia ay fara-gelin sameyn doonto, haddii ay usoo muuqato qatar deg deg ah.