Ethiopia oo markii ugu horeysay Haween Muslim ah loo doortay gudoomiyeyaasha labada gole ee dalkaas + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay baahiyeen wargeysyada adduunka waxaa Labada aqal ee uu leeyahay dalka Ethiopia loo doortay laba gabdhood oo Muslimiin ah marki ugu horreysay taariikhda.

Gabdhahaan oo da’ yar ayaa kala hoggaamin doonaan Golaha wakiillada shacabka iyo Golaha Federeshiinka ee dalka Ethiopia.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Shacabka waxaa loo doortay Mufariyat Kaamil oo ka soo jeedda qowmiyadda Silte oo ka mid ah qowmiyadaha shucuubta Koonfureed.Natiijada sawirka Mufariyat Kaamil

Mufariyat waxay horay u soo qabatay xilal ay ka mid yihiin Wasiirka arrimaha haweenka iyo la taliyaha arrimaha jinsiga ee ra’iisal wasaaraha.

Golaha Wakiillada Shacabka oo ah aqalka ugu sarreeya dalka wuxuu ka kooban yahay 547 xildhibaan oo laga soo kala doorta 9-ka dowlad deegaan iyo 2 ismaamul magaalo.

Sida oo kalana Guddoomiyaha Golaha Federeedhiinka waxaa loo doortay Kheyriya Ibraahim oo ka soo jeedda qowmiyadda Tigreega.

Waxay badeleysaa afhayeenkii hore ee golaha federeeshiinka Yalew Abate oo xilka iska casilay.

Golaha federeeshiinka wuxuu ka kooban yahay 112 xildhibaan oo laga soo kala xulo qowmiyadaha dalka magacaabidna ku yimaadda.

Dalka Ethiopia waa dal ay ku wada nool yihiin in ka badan 90 qowmiyadood oo aaminsan diimo kala duwan.

Diimaha ugu weyn dalka ayaa waxay yihiin Islaamka iyo Masiixiga iyada oo tirada dadka diimahaasi aaminsan siyaaba badan loo bedbeddalo.

Tallaabadaani ayaa guul u noqoneysa Muslimiinta Ethiopia oo u muuqda kuwo markii ugu horeysay fursad u helaaya ka dhex muuqashada Siyaasada Ethiopia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com