C/wali Gaas oo shaqada ka eryay Madax iyo shaqaale badan (Sababta iyo Tirada)

Garoowe (Caasimada Online)-Warqad kasoo baxday Xafiiska Hoggaamiyaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, ayaa waxaa shaqada looga eryay qaar ka mid ah Madaxda iyo shaqaale ka tirsan maamulka.

Hogaamiyaha ayaa shaqaalaha ugu badan ee uu eryay waxa ay ka tirsan yihiin Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland.

Eryinta Madaxda iyo shaqaalaha Wasaarada ayaa la sheegay inay ka danbeysay kadib markii ay ku kaceen falal lid ku ah shaqada Wasaarada.

Madaxda iyo Shaqaalaha la eryay oo guud ahaa dhan 7 ayaa waxa ay kala yihiin:-

1Maxamuud Maxamed Cali (Gabax), Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.

2-Cali Xirsi Faarax Maxamuud, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.

3-Cabdulqaadir Xaaji Yuusuf Siciid (Fay), Agaasimaha Waaxda Maamulka ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.

4-Maxamed Siciid Cartan (Balcad), Agaasimaha Waaxda Kalluumaysiga ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.

5-Cabdicasiis Axmed Jaamac, Xiriiriyaha Gobolada ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.

6-Cabdi Salaad Maxamuud (Radoofe) Fidiye Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka Badda.

7-Casayr Yuusuf Maxamuud Fidiye Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.

Madaxda qaar ee warqada lagu eryay ayaa waxaa lagu eedeeyay isdabamarin, halka qaarna ay ku kaceen falal aan raali galin maamulka ugu sareeya ee Wasaarada.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com