Guddoomiyaha G/Banaadir oo sheegay inuu ka shaqayn la’yahay madax ka tirsan Dowladda  

Muqdisho (Caasimadda Online)- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in mudo Saddex  bilood ah ay la tacaalayaan madax ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay uga deegi la’yihiin Shacabka.

Waxa uu sheegay in rag ay saaxiibo yihiin oo isugu jira Xildhibaano,Wasiiro iyo siyaasiyiin ay Xafiiskiisa yimaadaan,iyaga oo Shacabkii loo Shaqeyn lahaa cariiriya.

Eng Yarisow guddoomiyaha gobolka Banaadir  oo muddo saddex bilood ah haya  xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir  isbedel badana oo dhinaca horumarka ah laga dareemay mudadii uu xilka hayay ayaa sheegay in saddexdaa bilood ee uu xilka hayay uu la tacaalayay madax ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay uga adeegi la’ yihiin Shacabka.

Yariisow ma uusan carabaabin ragga uu sheegay inay saaxiibada yihiin  oo isugu jira Xildhibaano,Wasiiro iyo siyaasiyiin kuwaas oo uu ku eedeyey inay Xafiiskiisa yimaadaan,iyaga oo Shacabkii loo Shaqeyn lahaa cariiriya, waxaana muuqato inuu jiro loolan cusub oo ku aadan kursiga Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

“Runtii muddo saddex bilood ah ayay nagu qaatay si aan xal uga gaarno siyaasiyiin,Xildhibaano iyo Wasiiro danley ah oo xafiiskeyga soo buux dhaafiyey una shaqeyn waayey bulshadii aan madaxda u ahaa laakin hadda xal ayaan ka gaaray oo waqti ayaan u sameeyey ayuu yri guddoomiye Yariisow.”ayuu yiri  duqa  magaalada Muqdisho.

Sidoo kale duqa magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ku eedeeyay xildhibaano iyo wasiiro ay ugu yimaadaan sidii dad loogu fulin lahaa dano gaar ah taasna ay tahay mid aan xaq ahayn.

Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku soo aadaya xilli ay aad u adag tahay in Shacabka adeegyada uga baahda Xarunta Maamulka gobolka Banaadir in ay galaan.