Ra’iisul Wasaare Xasan Cali khayre Oo la kulmay Wakiilka Arimaha Dibada ee Midowga Yurub

Brussels-(Caasimadda Online)-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali khayre ayaa la kulmay Wakiilka Midowga Europe uqaabilsan Arrimaha Dibada iyo Amaanka Federica Mogherini isagoo ka qayb galaya shir looga hadlaayo Amaaanka Soomaaliya.

Kulankan ayaa looga hadlay xaalada amniga dalka iyo sida Midowga Yurub gacan uga geysan karo qaabka dhismaha Ciidanka Soomaaliyeed ee la qorsheynayo in ammaanka dalka ugala wareegaan Ciidamada AMISOM.

labada dhinac ayaa kulankooda diiradda ku saaray arrimaha siyaasadda, dib u habeynta iyo qaab dhismeedka Amniga, hanaanka doorashada Soomaaliya ee 2020.

Midowga Yurub ayaa ah taageeraha ugu weyn ee howl galka Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaana uu sanadkii ku bixiyaa mallaayiin dollar.

Shirka looga hadlayo Amniga Somaaliya ee lagu qabanayo Brussels waxaa soo qaban-qaabiyay Midowga Europe gaar ahaan waaxda ay Madaxda ka atahay  Federica Mogherini ee Arrimaha Dibadda iyo Amniga.

Shirka waxaa ka qaybagalaya Ergo uu dhiana Soomaaliya Hugaaminayo Ra’iisul wasaaare khayre, Midowga Europe, QM, AMISOM, Midowga Africa, iyo Wadamadda Qaybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta kaga qeyb galay xarunta Midowga Yurub ee Brussels shir looga hadlayay ammaanka iyo qorshaha kala guurka AMISOM oo la filayo in ciidanka Soomaaliyeed ammaanka dalka ula wareegi lahaayeen.

Bishii December ee Sanadkii tagay ayaa Soomaaliya waxaa ka baxay 1000 Askari oo ka Tirsanaa AMSOM, waxay bilow u ahaayeen qorsha AMISOM ay dalka uga baxayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com