Ethiopia oo nin Somali ah u magacowday qunsulkeeda cusub ee Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia ayaa si cad u shaacisay in Ruux Soomaali ah ay u magacaabeen qunsulka Ethiopia ee deegaanada Somaliland.

Shamsudiin Axmed Rooble oo si weyn looga yaqaan dalka Ethiopia ayaa loo magacaabay qunsulka Ethiopia ee Somaliland, waxaana la doonaya inuu ka shaqeeyo xiriirka Somaliland iyo dowladda Ethiopia.

Shamsudiin, ayaa noqday wasiir ku xigeen, xildhibaan Baarlamaan, safiirka Ethiopia ee dalalka Kenya iyo Jabuuti, waxaana hadda loo magacaabay Qunsulka Ethiopia ee magaalada Hargeysa.

Waa nin si weyn looga yaqaano dalka Itoobiya, waana rugcaaddaa dhanka Duplomaasiyadda, waxaana la aaminsan yahay in uu wax badan ka badali doono Hanaanka xiriirka Somaliland iyo dalka Itoobiya, sida qoraalka lagu sheegay.

Waxaa la filayaa inuu xilka kala wareego qunsulki hore ee Ethiopia  fadhiyay magaalada Hargeysa oo dhawaan xil ka qaadis lagu sameeyay.

Dhawaan ayay aheyd Markii dalka Itoobiya looga yeeray Qunsulkii Itoobiya ee Magaalada Hargeysa, waxaana dad badan ay sheegeen intaasi ay hoos u dhigtay Siyaasiyadda Somaliland oo loo aaminay in Ethiopia ay ilaalinayso Midnimadda Soomaaliya.

Balse magacaabistiisa ayaa meesha ka saareyso hadal heynta arimahaasi la xiriirta.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com