Ethiopia oo sammeysay arrin sharaf dhac ku ah qarannimada Soomaaliya (DFS oo aan ka hadlin)

Garbahaareey (Caasimada Online) – Ciidamada dowlada Ethiopia ayaa lagu soo waramayaa iney  xabsiga dhigeen odayaal dhaqameedyo ku sugna degmada Garbahaareey oo ay ka jirto xiisad ku saleysan dhanka maamulka degmada.

Odayaasha la dhigay xabsiga ku yaala degmada Garbahaareey ayaa la sheegay iney gaarayaan seddex oday dhaqameed oo ku sugnaa bartamaha degmada Garbahaareey.

Odayaasha xabsiga la dhigay ayaa waxaa ay kasoo horjeesteen caleemo saarka gudoomiyaha cusub ee degmada Garbahaareey oo uu magacaabay Axmed Madoobe, kaasi oo si weyn kaga soo horjeedaan shacabka ku dhaqan degmada.

Nabadoon Xasan Ibraahim, oo kam`mid ah nabadoonada ku sugan degmada  Garbahaareey ayaa sheegay in nabadoda lagala baxay guriga ay ka degen yihiin degmada nala dhigay saldhiga magaalada.

Ciidamada dowlada Ethiopia ayaa taageersan maamulka cusub ee Axmed Madoobe u magacaabay degmada, iyaga oo kasoo horjeeda rabitaanka dadweynaha ku dhaqan degmada Garbahaareey.

Odayaasha iyo waxgaradka ku sugan degmada Garbahaareey ayaa teegeersan maamulkii hore ee degmada oo uu horkacayay Imaan Cadow Kaarshe.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Ethiopia ay ku hanjabeen iney xer xeri doonaan dhamaan dadkii ka hor yimaada maamulka cusub ee degmada Garbahaareey.

Caasimada Online
Xafiiska Gedo
Caasimada@live.com