Xog cusub: Khilaafkii Xasan Sheekh iyo R/W CC ee isku shaandheynta oo reer galbeedka gaaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan la filaayo in isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha wasiirada Xukuumada Somalia, ayaa waxaa hadana soo baxaayo warar sheegaya in qorshaha isku shaandheynta uu Khilaaf ka dhex dhaliyay Xassan iyo CC.

Khilaafka labada mas’uul ayaa la tilmaamayaa inuu ka dhashay kadib markii Xassan Sheekh uu Ra’isul wasaare Cumar u gudbiyay Liis ay ku qoran yihiin ilaa 5 xubnood oo uu ku amray inuu ku biiriyo Wasiirada la filaayo in lagu dhawaaqo.

Liiska madaxweyne Xassan uu u gudbiyay Ra’isul wasaare Cumar ayaa waxaa kamid ah 3 mas’uul oo horay ugu soo fashilmay Xukuumadii C/weli Sheekh Axmed iyo 2 mas’uul oo iyaguna ay horay u diideen Xildhibaanada BF Somalia ee hadda jira.

Wasiir ku-xigeenka tirsan Xukuumada ayaa xaqiijiyay in Khilaafka ka dhashay Isku shaandheynta iminka loo gudbiyay Xafiiska Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Nicholas Kay.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in Khilaafka hoose ee labadaasi mas’uul ka dhextaagan iyana loo gudbiyay wakiilada kale ee Dowladaha Caalamka ka jooga Somalia kuwaasi oo la filaayo inay ka bixiyaan jawaab degdeg ah.

Khilaafyadaani mar waliba ka dhex curta madaxda ugu sareysa dalka ee ka dhasha isku shaandheynta ayaa imaanaya xili Beesha caalamka aysan ku qanacsaneyn in xiligaani la sameeyo Isku shaandheynta.
Arrintaani ayaa halis galinkarta in dib u dhac uu ku yimaado xiliga loogu talo galay in dalka uu ka dhaco doorasho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com