Hadliye oo lagu helay musuq-masuq hantiyadeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno dhanka Wasaarada arrimaha dibadda DFS ayaa sheegaya in Wasiirka arrimaha dibada C/salaan Hadliye lagu helay isdabamarin Hanti Qaran oo laga soo kala uruuriyay dowlado dhowr ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in Wasiir Hadliye uu isdabamariyay dhaqaale laga soo kala qaaday Dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga kadib markii baaritaan la sameeyay lagu ogaaday in dhaqaale dalalkaasi ay bixiyeen laga waayay Bangiga dhexe.

Dhaqaalaha uu Hadliye musuqay ayaa waxaa loogu tallo galay in lagu qalabeeyo Xafiisyada Wasaarada, hayeeshee uu jeebkiisa u weeciyay, sida laga soo xigtay xubno ku dhow dhow hadliye oo xafiiskiisa ka howlgala.

Wasiir Hadliye ayaa horay u lunsaday dhaqaale farabadan oo ku jiray Bangiga dhexe ee dalka xili uu halkaasi Mas’uul ka ahaa.

Lunsashada dhaqaalaha DFS uga soo xarooda dhanka Dowladaha saaxiibada la ah, ayaa waxaan jirin cid gaar ah oo isha la raacda sababo la xiriira mas’uuliyiinta oo kawada siman is dabamarinta Hantida Qaranka.

Ma cadda sida looga hortagi karo Musuqa caadada ka noqotay dhanka Madaxda Qaranka waxaana suuragal ah inay sii kororto waa haddii aan la helin isla xisaabtan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com