DFS oo kireyneysa ciidamo tababar loo soo xiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Somalia Mohamed Al-Cutmani DFS Somalia ka dalbaday in la kordhiyo Ciidamada Somalia ee dhawaan ku biiray Isbaheysiga Sacuudiga ee dagaalka kula jira Maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yaman.

Safiirka ayaa Madaxda ugu sareysa dalka u gudbiyay warqad uu ku codsanaayo inay suuragal tahay in Ciidamadaasi lagu kordhiyo ciidamo gaaraya 200 kuwaasi oo laga soo dhex xuli doono Ciidamada Xooga kuwooda iminka tababarada loogu soo xiray Xerada Jazeera.

Safiirka ayaa sheegay in Ciidamada Somalia ka jooga Yaman ay wax badan ka duwan yihiin Ciidamada kale, waxa uuna ku amaanay inay ku dheereeyan toogashada.

Al-Cutmani ayaa sheegay in Ciidamadii dhawaan la geeyay Yemen ay durbadiiba waxbadan ka bedeleen xaalada Yemen gaar ahaan goobaha lagu wareejiyay sugida amaankooda.

DF Somalia oo iminka u baahan Ciidamo suga amaanka ayaa dhawaan Ciidamo gaaraya ilaa 300 geysay dalka Yemen kuwaasi oo si gaar ah ay u tababarteen Saraakiil Imaaraati ah.

Dalabka kasoo baxay Al-Cutmani ayaa suuragal ah in DFS Somalia ay si dhaqsi ah kaga soo jawaab celiso, waxaana loo badinayaa in Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar oo go’aankaasi uu ka go’o ay ogolaadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com