Xasan oo xil cusub u magacaabaya Indha-qarshe

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar  aan ka heleyno xubno ka howlgala Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu qorsheynaayo in Taliyihii hore ee ciidamada Xooga dalka Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe uu u magacaabo xil cusub.

Wararku waxa ay sheegayaan in xil ka qaadistii horay loogu sameeyay Indha-qarshe ay ka danbeysay ballanqaad uu ka helay Madaxweyne Xassan, waxaana iminka la filayaa in Xassan uu meyleyn doono mas’uulkaasi.

Warar hoose ayaa sheegaya in qorshaha Xassan uu yahay in Indha-qarshe loo dhiibo xil waxbadan ka duwan kii uu horay u hayay, inkastoo aan wali la xaqiijin waxa uu yahay xilkaasi.

Madaxda qaar ayaa qabta inaysan jirin sabab loo soo celiyo Indha-qarshe waxa ayna tilmaamen in dib usoo celintiisa ay fashil u horseedeyso DFS.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan ayaa noqday Madaxweynihii ugu magacaabida badnaa ee Somalia soo mara tan iyo markii ay dhacday Dowladii Maxamed Siyaad Barre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com