Ethiopia oo qorshe xasaasi ah ka wadda magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dhanka Xarunta xalane ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Siyaasiyiinta iyo Saraakiisha dowlada Ethiopia ka jooga magaalada Muqdisho ay bilaaben qorsho ay ku kasbanayaan Musharaxiinta u taagan qabashada madaxtinimada dalka.

Siyaasiyiinta iyo Saraakiisha ayaa la sheegay in Xarunta Xalane ay ka dhex bilaabeen inay kula kulmaan qaar kamid ah Musharaxiinta ku sugan Muqdisho, kuwaasi oo ay kasii diyaarsanayaan kalsooni.

Siyaasiyiinta iyo Saraakiisha ayaa sidoo kale la sheegay in Musharaxiinta ay la kulmeen ay u sameynayaan ballanqaadyo dhanka doorashada ah, si haddii mid kood uu guuleysto ugu sii nagaadan Somalia.

Kuwa suuragalka ah inay kusoo baxaan doorashada ayaa la sheegay inay u ballanqaaden inay ka taageerayaan dhanka amnigooda, halka qaarna ay ka caawinayaan dhanka dhaqaalaha si ay usoo gaarsiiyaan lamberka ugu sareeya ee codka.

Musharaxiinta qaarkood ayaa la sheegay inay iska diiden in Siyaasadooda doorasho ay hoosgeeyan Ethiopian-ka jooga magaalada Muqdisho, iyaga oo u sheegay inay ka dhanyihiin taageero kaga imaada dhanka Ethiopia.

Dowlada Ethiopia ayaa ololo ugu jirta sida ay ku hanalaheyd Musharaxa ugu macquulsan islamarkaana looga cabsi qabo in xilka Madaxweyninimo uu ku guuleysto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com