Xog: Dowladda ETHIOPIA oo u yeertay madaxweyne XASAN SH.

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud looga yeeray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ujeedka u yeeritaanka Xassan Sheekh uu yahay mid la xiriira arrimaha doorashooyinka Somalia, waxaana lagu wadaa in Madaxweynaha halkaasi lagu soo siin doono tallooyin dhowr ah.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Xassan Sheekh uu halkaasi kula kulmi doono qaar kamid ah deeq bixiyayaasha oo uu kala hadli doono arrimaha doorashooyinka, dhaqaalaha iyo in laga taageero dhanka doorashada.

Safarka uu Xassan Sheekh ayay ilo wareedka sheegen inaanu qaadan doonin wakhti dheer, waxa uuna safarkiisu noqon doonaa wixii ka danbeeya shirka madasha, sida ay xogtu qeexday.

Lama oga maalinta gaarka ah ee uu safarkaasi gali doono, balse waxaa la xaqiijiyay in magaalada Addis uu u aadi doono arrimaha doorashada, gaar ahaan ololihiisa.

Dhanka kale, dowlada Ethiopia ayaa Xassan soo guddoonsiin doonto tallooyin suuragalinkara in Xassan uu ku riyaaqo, maadaama uu howlo badan u fuliyay mudada uu xilka Qaran hayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com