Farmaajo oo Xasan Sheekh ku weeraray wixii uu isaga sheegtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka hadlay marxalada haatan uu ku sugan dalka Soomaaliya isagoo ka eegay dhanka amaanka iyo marxalada siyaasadeed.

Maxamed Farmaajo, wuxuu sheegay in madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud uu ka gaabiyay dhanka amaanka iyo siyaasada dalka Soomaaliya oo la doonayay in xiligan ay ahaadaan kuwo adag.

Dhanka siyaasada ayuu sheegay in Xasan Sheikh isaga uu qiray inuu ka gaabiyay, waxaana uu sheegay in taasi ay niyad jabweyn ku abuureysi siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ee doonayay in isbadal uu dhaco mudada uu xilka hayay.

“Xasan Sheikh isaga ayaaba qiray markuu waxbarashada ka hadlayay in dowladiisa ay ka gaabisay dhanka siyaasada amnigana wuu jiraa mana la fileyn in sidan ay wax ahaadaan xiligan”ayuu yiri Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Siyaasiyiin badan oo uu Farmaajo kamid yahay ayaa dhaliilsan waxqabad la’aanta afartii sano ee lasoo dhaafay ka dhacday dalka Soomaaliya iyo qaraxyada joogtada ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana Xasan Sheikh uu balanqaaday lix tiir ka hor doorashoodiisa, waxaana ugu horeeyay amniga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com