Sirta ka danbeysa fashilka Siyaasiyiinta Soomaalida ee Taariikhda xumaanta ku galay

Muqdisho (Caasimada Online)-Tan iyo burburkii Dowladnimo ee Somalia, waxaa weli taagan Mashaqo Siyaasadeed iyo Khilaaf aan dhamaad lahayn, taasi oo sababtay inaan weli cagta la saarin Toobiyihii lagu yegleeli lahaa Dowlad Qaran.

Waddanka weli waa uu kala qoqoban yahay, waxaana abuurmay Maamullo ku dhisan Rabitaan Beeleed, inkastoo aan Qabiil lagu noqon Karin Qaran.

Siyaasiyiinta waxa dhufays ka dhigtaan Halhays Siyaasadeed oo ku mataanaysan Dano Shaqsi, mid Beel iyo mid Isbahaysi, waana sababaha rasmiga ee ay Siyaasiyiinta isku maan diidsan yihiin inay Aragtiyo Mideysan ka qaataan Danaha Qaranka.

Khilaafkuna ma aha mid ugub ah oo xili dhow bilowday, balse waa mid horey u soo ragaadiyey Dowladihii dalka soo maray.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Siyaasi lagu tilmaami karo Shaqsiyaadka Aqoonta u leh Dhaqan Siyaasadeedka, isla markaana leh Dulqaad Siyaasadeed iyo in caqabad kasta lagu xaliyo Wada-xaajood Siyaasadeed iyo Isku-Tanaasul loogu danaynayo Danaha Qaranka.

Calawsanaan xooggan ayaana soo if baxday tan iyo markii la shaaciyey in Doorashooyinka Madaxtinimadda iyo kuwa Golayaasha Barlamaanka Federalka Somalia la qaban doono dabayaaqadda sannadkan.

Musharixiinta u taagan Madaxtinimadda ayaana laga dareemi karaa inay u dhexeyso Xiisado-hoosaadyo, waxaana soo if baxayo Gunuucyo Siyaasadeed oo dabri kara Geeddiga Doorashooyinka.

Qaar ka mid ah Musharixiinta ayaa sheega inay caqbad ka haysato Ololahooda Doorashadda, waxaana jira qaar cabashadooda u gudbiyey Ergayga Gaarka ee QM ee Arrimaha Somalia, Michael Keating.

Musharixiin kale ayaa iyagana jira oo Ciiddanka AMISOM ka codsaday inay sugaan Ammaankooda muddada ay Ololah Doorashadda ilaa laga gaarayo maalinta Cod-bixinta.

Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa looga baahan yahay inay yeeshaan Bisayl Siyaasadeed iyo mid Hoggaamineed, isla markaana ay muujiyaan Qanacsanaan Siyaasadeed, si aysan mar kale u carqaladeeynin Hanaanka Dowladnimo ee haatan mar kale la yegleelayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com