XOG: Xasan Sheekh iyo Jawaari oo damacsan in xildhibaanada…

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa wada qorsho lagu caburinaayo Xildhibaanada Baarlamaanka.

Qorshahaani ay isla wadaan labada Mas’uul ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay in Xildhibaanada Baarlamaanka laga mamnuuco inay ka qeybqaatan shirarka looga soo horjeedo Madaxweynaha dalka ee ka socda magaalada Muqdisho.

Qorshahaani ayaa waxaa wata Xassan Sheekh, waxa uuna kaga soo horjeeda Xildhibaanada wakhtiga kasii dhacaaya ee ku biiray shirarka ka socda magaalada Muqdisho.

Labada mas’uul ayaa isla fahmay in Xildhibaankii ka qeybqaata shirarka laga hor istaagi doono inuu kamid noqdo Baarlamaanka cusub iyadoo loo adeegsan doono dhanka odayaasha soo xuli doona.

Madaxweyne Xassan ayaa maalmahaani danbe qaati ka taagnaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo iyagu la saftay odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ee kasoo horjeeda Siyaasada Xassan Sheekh.

Docda kale, fulinta qorshahaani ayaa waxaa loo xil saaray Guddoomiye Jawaari oo isaga xiligaani garab siyaasadeed u ah Xassan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com