KEATING oo ka hadlay shakiga doorashada 2016 laga muujiyay

Muqdisho (Caasimada Online)-Wakiilka xoghayaha guud ee qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa ka hadlay doorashada ka dhaceyso dalka Soomaaliya iyo shakiga badan ee laga muujiyay dib u dhac ku yimaada doorashada sanadkaan.

Mr keating oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in doorashada sanadkaan dhaceyso masuuliyadeeda ay saaran tahay dowlada federaalka Soomaaliya, balse Qaramada Midoobay doorkeedu uu yahay taageerada iyo arimaha farsamada ee doorashada la xiriira.

Waqtiga ay dhaceyso doorashada sanadkaan ayuu sheegay in looga baahan yahay iney shaaciyaan gudiga fulinta ee doorashada, balse loo baahan yahay in laga shaqeeyaa dhamaan filashooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa ka hadlay shakiga badan ee la gelinayo in doorashada ay dhib u dhacdo, balse wuxuu ku hanjabay in waqtigii lagu balamay doorashada ay dhaceyso culees kasta oo jiraba, sida uu hadalka u dhigay.

“Sida ku xusan Dastuurka Somaliya Doorashada waxa ay tahay inay dhacdo Dabayaaqada Bisha August Culeyska jira waa in Doorashada ay dhacdo waqtigii loogu talo galay, iyadoo la og yahay inay jiraan dhowr shey oo la doonaayo Dowladda inay qabato ka hor Doorashada inta aanan la gaarin si shacabka Somaliyed iyo Beesha caalamka ugu kalsoonaadaan dowladda Federalka Somaliya.”

Xildhibaano, siyaasiyin iyo musharixiin badan ayaa walaac ka muujinaya in sanadkaan ay dib u dhacdaa doorashada madaxweynaha Soomaaliya, waxaana taasi ay dhalisay in wax dhaqdhaqaaq doorasho ah aanan laga dareemin magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com