Caasimada Online oo heshay jadwalka cusub ee doorashada

Muqdisho (Caasimada Online)-Inkastoo Madaxtooyada Somalia ay wado qorsho dib loogu dhigaayo doorashada dalka, ayaa waxaa soo baxaaya dhaliilo ku aadan dib u dhaca laga filankaro doorashada.

Qorshaha madaxtooyada ee Jadwalka cusub ayaa ah in doorashada dalka ay dib u dhacdo sababo lagu micneeyay fashil ku imaaday wakhtiga la qaban lahaa doorashada oo aad u yar.

Madaxtooyada Somalia ayaa dajisay jadwal ah in doorashada dalka ay qabsoonto Bisha December 12-da oo la dooran doono Madaxweynaha Cusub oo ay yeelan doonto Somalia.

Dajinta Jadwalka cusub ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Somalia iyo Xubno ka tirsan Madaxtooyada ay isla jeex-jeexeen wakhtiga u harsan iyo howlaha horyaal dowlada, waxa ayna qol mugdi ah ku gaaren go’aan ah in doorashada dib loo dhigo, iyadoo Jadwalkaasi aan weli la horgeyn Madasha Qaranka iyo dhammaan dowladaha u dhuun daloola arrimaha Somalia kuna sugan magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia.

Jadwalkaani cusub oo ay diyaarisay Madaxtooyada ayaa inbadan ka duwan jadwaladii horay ay u wada dajiyeen Madasha Qaranka.
Jadwalkaani cusub ayaa qeexaaya in doorashooyinka ay noqon doonaan sida:

1-Bisha October ee soo socota waxaa la qaban doonaa Doorashada Xildhibaanadda cusub ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka Somalia.

2-Bisha November waxaa la dooran doonaa xubnaha Aqalka Sare ee Senedka ee Barlamaanka Cusub.

3-Bisha December 12-da waxaa la dooran doonaa Doorashadda Madaxweynaha Cusub ee Dowladda Federalka Somalia.

Walow aan si rasmi ah aysan Madaxtooyada Somalia u shaacin Jadwalka cusub, ayaa waxaa hadana jira ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Somalia oo xaqiijiyay in Jadwalka cusub ee doorashada dalka noqon doono sida kor ku xusan, kadib markii Isbedel ku yimid Xiligii loo qoondeeyey inay ku dhacaan Doorashooyinkasi.

Biilowga August ayey shir isugu imaan doonaan xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran, shirkaasi oo looga hadli doono arimaha ku aadan Doorashooyinka.

Shirkaasi ayaa dhacaaya 2-da ilaa 4-ta bisha August, waxa ayna Xubnaha Madasha Qaranka isla eegi doonaan dib u dhaca doorashada ee muuqda, waxa ayna Madaxtooyada Somalia sidoo kale Madasha hordhigi doontaa suuragalnimada in doorashada Madaxweynaha dalka ay dhacdo Bisha December 12-da.

Sababaha ugu weyn ee dib u dhaca doorashada ayaa lagu sheegay Khilaaf dhinaca aragtida ee u dhexeeya Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul gobaleedyadda dalka, waxaana muuqda inuu jiro isfahan’waa soo kala dhexgalay labada dhinac.

Caqabadaha hortaagan doorashada ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka aha dhismaha Maamul gobaleedka cusub ee loo dhisaayo Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxa uuna Madaxweynaha dalka qudhiisa doonayaa in Baarlamaanka uu yeelan doono maamulkaasi cusub ka helo codadka uu kusoo bixi lahaa isaga oo heshiis la furi doona Xildhibaanada laga soo xuli doono maamulkaasi kana mid noqon doona Baarlamaanka cusub.

Dadka isha ku haya doorashada dalka waxa ay qabaan in suuragal ay tahay in wakhtiga doorashada Somalia leysla gaaro Sanadka cusub, sababo la xiriira dhismaha maamulka ay yeelan doonaan Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo wakhti badan qaadan doonta.

Haddaba dib u dhaca doorashada ayaa waxaa loo fasirankaraa fashil ku yimid wakhtiga iyo Is fahanka Madasha Qaranka oo aad u hooseeya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com