XOG: Lacagaha laga qaadayo musharaxiinta u taagan aqalka sare iyo kan hoose oo korortay

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ay ka socdaan diyaarinta xubnaha kamid noqon doona aqalka sare iyo kan hoose, ayaa waxaa soo baxaaya warar sheegaya qaabka xulista ay tahay mid dhaqaale ay ku abuuranayaan madaxda ugu sareysa dalka iyo Hogaamiyayaasha maamul goboleedyada.

Wararku waxa ay sheegayaan inay sarakacday dhaqaalaha laga qaadayo xubnahaasi kamidka noqon doona aqalka sare iyo kan hoose ee dalka.

Heeshiiska koowaad ee madaxda dalka iyo kuwa Gobolada ayaa ahaa in musharaxiinta utartamaya xildhibaanimada aqalka sare iyo kan hoose laga qaado dhaqaale dhex dhexaad ah, waxaana iminka soo baxaaya in la kordhiyay dhaqaalaha laga qaadayo musharaxiinta kadib markii ay saa’iday baahidooda.

Heshiiskii hore ayaa dhigaayay in Musharaxa utartamaya xildhibaanimada aqalka hoose laga qaado dhaqaale dhan 4,000$, balse waxaa iminka la gaarsiiyay 5,000$ oo dollar-ka Mareykanka ah.

Musharaxiinta xilka xildhibaanimada aqalka sare ayaa waxaa markii hore la sharciyeeyay in laga qaado dhaqaale dhan 7,000$, balse waxaa iminka la gaarsiiyay 10,000$ oo dollar-ka Mareykanka ah.

Madaxda Madasha Qaranka ayaa horay ugu heshiiyay in dhaqaalahaasi lagu bixiyo doorashada dalka ka dhaceysa, waxaase iminka soo baxday in dhaqaalahaasi ay ku dhici doonaan qasnada Madaxda madasha.

Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid ayaa dhaqaalahaasi ku yeelan doono kala bar waxa ayna arrintaani noqoneysaa mashruuc cusub oo lagu abuuraayo dhaqaale.

Docda kale, mashruucaani ayaa noqonaaya mid mideeya madaxda dalka, kadib markii ay isku fahmeen qaabka loo maraayo bixinta lacagta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com