GAAS oo shaaciyay dhibaatada Kay iyo Keating ee Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa ka hadlay faragelinta Qaramada Midoobay ay wali ku heysto siyaasada Soomaaliya iyo dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay munaasabad lagu xusayay 18 sano guuradii kasoo wareegatay aasaaska Puntland ayuu sheegay in Soomaaliya ay ka baxday KMG nimadii balse wali ay jiraan faragelin beesha caalamka ku heyso dalka Soomaaliya.

C/Welli Maxamed Cali gaas wuxuu sheegay in wakiilada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ay faragelinta ugu daran ay ku hayaan siyaasada Soomaaliya, wuxuuna soo hadal qaaday faragelintii Nicolas Kay ee siyaasada Soomaaliya.

Nickolas Kay ayuu sheegay in uu Soomaaliya u joogay isagoo wakiil kaga ahaa Qaramada Midoobay, balse marar badan uu sameeyay faragelin arimaha Soomaaliya ah.

“Soomaaliya waa ay ka baxday Kumeelgaarkii waxaa ii muuqata in ay jirto Faragalin ah QM ay ku hayso Arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan wakiilkii hore iyo midka cusub”ayuu yiri Madaxweyne C/wali Gaas.

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa imaanaya iyadoo QM dhawr jeer ay sheegtay in aysan Aqbali doonin dib u dhac ku yimaadda Doorashada Soomaaliya ee 2016.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com