Sawirro: Madaxda madasha oo soo gaaray Muqdisho (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada dalka ,kuwaasi oo ka qeyb gali doona shir madasha wadatashiga Qaran.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo gaaray Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland, Koonfur galbeed iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.

Shirka madaxdaani uga furmi doona magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadli doonaa waqtiga ay dhaceyso Doorashada iyo dhammaan waxyaabaha ku xeeran doorashada dalka.

Madaxda dowladda iyo kuwa Maamul goboleedyada ayaa horey waxa ay ugu heshiiyeen in ay qabsoonto Doorashada sanadkan xilligeeda, dowladdana wax muddo kordhin ah aan loo sameyn doonin.

Shirkaani ayaa go’aan looga gaari doonaa doorashada haddii ay waqtigeeda dhici doonto iyo haddii lagu kordhin doono waqti dheeri ah.

Lama oga waxa ay isla qaadan doonaan madaxda dowlada iyo kuwa maamulada.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
Axmed Madoobe 1

Axmed Madoobe 2

Axmed Madoobe 3

Axmed Madoobe 4

Axmed Madoobe 5
GAAS 1

GAAS 2

GAAS 3

GAAS 4

GAAS 5