Sawirro: Gaas iyo Ku-xigeenka danjiraha Maraykanka oo shiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa maanta Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kulan kula qaatay ku-xigeenka Safiirka dawladda Maraykanka u fadhiya dalka Soomaaliya.

Kulanka C/wali Gaas iyo ku-xigeenka Safiirka dawladda Maraykanka, ayaa ku saabsanaa marxaladda kala guurka ah ee uu kujiro dalka Soomaaliya iyo doorka siyaasadeed ee maamulka Puntland ku leedahay hannaanka doorashooyinka 2016-ka.

C/wali Gaas ayaa Safiir ku-xigeenka u sharaxay aragtida Puntland ee doorashada Somalia, waxa uuna Gaas cadeeyay in Puntland ay diyaar u tahay in dowlada Somalia ay kala shaqeyso dhammaan howlaha khuseeya Doorashada, Siyaasadda iyo Amniga.

Gaas waxa uu sidoo kale, sheegay in Puntland ay ku adkaankarto inay aqbasho in laga weecdo xiliga doorashada, waxa uuna tilmaamay in aqbalida dib u dhac ku imaada doorashada ay ku xiran tahay inay helaan qodobo ay ku qancikaraan.

Ku-xigeenka Safiirka dawladda Maraykanka, ayaa Gaas ku booriyay inuu taageero dowlada Somalia si looga gudbo marxalada ka taagan Somalia oo marba dhinac u ciireysa.

Ku-xigeena danjiraha dawladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa Gaas u ballanqaaday inay ka shaqeyn doonaan sida ay Somalia uga dhici laheyd doorasho xalaal ah oo aan la xiriirin musuq iyo cod ku shubasho.

Madaxweyne C/wali Gaas iyo Ku-xigeenka danjiraha dawladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa lagu wadaa in kulan labaad ay wada qaatan inta uu socdo shirka Madasha Qaranka Somalia.
1

2