Maxaadan ogeyn oo Caawa ka dhacay Xarunta Villa Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxtooyada Somalia ayaa waxaa caawa kulamo hordhac ah ku qaatay Madaxda ugu sareysa dalka iyo Madaxda Gobollada ee xubnaha ka ah Madasha Qaranka.

Kulamada Caawa ka dhacay Madaxtooyada Somalia ayaa waxa uu hordhac u ahaa shirka la filaayo in maalinimada beri ah ka furmo magaalada Muqdisho, kaasi oo diirada lagu saari doono Hanaanka doorashada iyo waqtiga ay qabsoomi doonto.

Kulamada Caawa oo ahaa mid iska caadi ah ayaa waxaa leysku soo qaaday Doorashada, Wakhtiga ay dhicikarto, Amniga iyo Nabadgalyada Musharaxiinta kusoo qulquleysa magaalada Muqdisho.

Madaxda Gobollada ee Madasha waxa ay sheegen in guulo ay ka rajeyn doonaan doorashada, waxa ayna si siman u carab dhabeen in xiliga lagu jiro uusan suuragal aheyn in lagu dhaqaaqo dib u dhaca doorashada.

Waxa ay sheegen in go’aankooda ay ku cadeyn doonaan shirka balse laga haboonyahay in xiligaani lagu murmo wakhti kororsi.

Madaxtooyada Somalia ayaa wada qorsho lagu dib dhigaayo doorashada Somalia, kaasi oo maalinta beri ah lagu soo bandhigi doono shirka.

Madaxda dowladda iyo kuwa Maamul goboleedyada ayaa horey waxa ay ugu heshiiyeen in ay qabsoonto Doorashada sanadkan xilligeeda, dowladdana wax muddo kordhin ah aan loo sameyn doonin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@ive.com