Maxaa ka cusub maxkamada Ciidamada AMISOM ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa wali magaalada Muqdisho ka socota maxkamadeynta ku dhawaad 20 askari iyo saraakiil ciidan oo kamid ahaa ciidamada AMISOM kuwaasi oo xatooyo lagu qabtay.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Ugandha ayaa shalay magaalada Muqdisho ka furtay edeeymahan loo heesto 17-ka Askari ee ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Askartii ay ciidanka Boliiska Soomaaliya ay gacanta ku soo dhigeen iyagoo iibinayo shidaal iyo qalab AMISOM ay leedahay 5-tii Bishii June ee sanadkan tiradooda waxa ay aheyd 5 Askari oo kaliya laakiin kiiskan waxa uu lugaha la galay tiro intaa Saddex laab ka badan sida uu sheegayo Brig Dick Olum oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Ugandha.

Maxkamadda ayaa shalay dhageysatay eedeynta loo soo jeediyay iyadoo sidoo kalana su’aalo la weydiiyay marqaatiyaal maxkamadda la horkeenay.

Brig Dick Olum Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Ugandha ayaa sheegay in Major Bob Francis Aring oo ahaa taliyihii Ciidamadaas Heysta lagu Xakumay hal sano oo Xariga ah iyo hoos loo dhigo darajadii Ciidan ee uu lahaa, kadib markii ay ku cadaadeen eedeymihii loo heystay.

Garsoorka maxkamada ayaa sheegay iney dhawaan go’aan cad ka qaadan doonaan ciidamada AMISOM ka tirsanaa ee lagu qabtay iyaga oo iibinaya agabka ciidamada AMISOM loogu deeqay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com