Reer Galmudug oo la farxay maamulka Puntland ( Sabab)

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa markii ugu horeysay hambalyo hawada u mariyay maamulka madaxweynaha uu ka yahay C/Welli Maxamed Cali gaas ee Puntland.

Hambalyada ayaa ku aadaneyd dabaaldaga sanad guuradii 18 ee kasoo wareegatay markii la aasaasay maamulka Puntland oo laga xusay deegaanada maamulkaasi uu ka arimiyo.

Madaxwayne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa hambalyo u diray  Shacabka Puntland iyo madaxdooda, sheegayna in Puntland ay mudan tahay in la hambalyeeyo.

Madaxwayne kuxigeenka ayaa intaa ku daray in Puntland ay tusaale u tahay maamul goboleedyada kale isla markaana ay tahay maamulkii ugu horeeyay ee Soomaaliya ka aasaasma.

Waxa uu xusay inuu farxadda la qaybsanayo shacabka iyo dawladda Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com