Xaaf oo ka digay xildhibaanada lagu diyaarinayo gobollada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Gobollada dalka ay ka socdaan dadaalo lagu soo xulaayo Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Somalia, ayaa waxaa dadaalkaasi shaki galshay Xildhibaan Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Somalia.

Xaaf ayaa sheegay in xiliga lagu jiro aysan suuragal noqon karin in Gobollada dalka laga soo xulo Xildhibaanada cusub, waxa uuna sabab uga dhigay amniga Gobollada oo ah mid aan leysku haleynkarin.

Xildhibaanka waxa uu tilmaamay in amniga ka jira Gobollada dalka uu aad uga hooseeyo kan iminka ka jira magaalada Muqdisho, waxa uuna ka deyriyay suuragalnimada in Gobollada dalka ay ka hirgasho barnaamijka xulista Xildhibaanada cusub.

“Aniga ma filaayo in xulista ka socta Gobollada dalka ay kusoo idlankarto sida la rabay waayo waxaa faraha kasii baxaaya amni darida ka jirta dalka taasi waxa ay meesha ka saareysaa inuu dhaco barnaamijka xulista xildhibaanada ka imaan doona goboladda”.

“Gobollada dalka waxaa ka dhicikara dhibaatooyin aan ka dhicikarin xamar waayo waxaa suuragal ah in qofkii doorashada waayaa dagaal inuu ka sameeyo goobaha”.

Xildhibaan Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa madaxda maamulada dalka ugu baaqay inay ka digtoonaadan wixii ka dhicikara goobaha lagu soo xulaayo Xildhibaanada cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@ive.com