Xog: Arrimaha laga filayo shirka madasha ee maanta furmaya.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah kuna beegan 3.8.2016 uu magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka furmo shirka Madasha Qaranka Somalia.

Shirkaani ayaa waxaa ka qeybgali doona Madaxda Qaranka iyo dhammaan maamulada dalka ee xubnaha ka ah Madasha.

Shirkaani ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa hanaanka geeddi socodka doorashooyinka iyo sidoo kale waqtiga ay dhaceyso Doorashooyinka dalka.

Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka qeyb geli doona shirka Madasha Wadatashiga Qaran.

Madaxda Maamul Goboleedyada soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Carabey oo wakiil ka ah Madaxweynaha Galmudug oo arrimo caafimaad ugu maqan dalka India.

Madaxda Madasha ayaa Saakay isla gorfeyn doona Hanaanka doorasho iyo waqtiga ay dhicikarto doorashada, waxaana lasoo warinayaa in Madaxda maamulada dalka ay caga jiid ka muujinayaan in dib u dhac lagu sameeyo xiliga doorashada.

Madaxda dowladda iyo kuwa Maamul goboleedyada ayaa horey waxa ay ugu heshiiyeen in ay qabsoonto Doorashada sanadkan xilligeeda, dowladdana wax muddo kordhin ah aan loo sameyn doonin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@ive.com