DF oo jawaab adag ka bixisay hadal kasoo yeeray Raila Odinga

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia, ayaa si adag uga jawaabtay haddal dhawaan kasoo yeeray Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Kenya Raila Odinga oo ahaa in Beesha caalamku aqoonsato maamulka Somaliland.

Jawaabtaani ayaa waxaa baxshay Danjiraha Somalia u fadhiya dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan oo sheegay in hadalkii kasoo yeeray Raila Odinga uu ahaa mid lagu xoojinaayo tafaraaruqa Somalia.

Danjire Jamaal Maxamed, waxa uu sheegay in hadalkii kasoo yeeray Raila Odinga uu yahay mid mas’uuliyad daro dhaawacaya midniimada iyo wada jirka dhuleed ee Somalia.

Haddalka Danjiraha ayaa waxaakamid ahaa  “Hadalkaas waa mid uur xuma ah, waxayna meel kadhac kutahay wada jirka dhuleed ee Somalia”

Waxa uu sheegay in hadalka kasoo yeeray Odinga uusan aheyn mid khuseeya dowlada Kenya balse uu yahay mid mala awaal ah oo uu ku hadlay Odinga.

Qoraal kusoo baxay barta twitter-ka ee safaarada Somalia ee Kenya ayaa lagu sheegay in hadalka Raila uu yahay mid dhaawac keenaya.

Qoraalka ayaa waxaa kamid ahaa “Midnimada,madax banaanida iyo wada jirka dhulka Somalia waa mid aan lagu xad gudbi karin.”

Warbaahinta Kenya ayaa aad u hadal haysay xiriir dhex maray dawlada Kenya iyo madaxda Somaliland kadib markii madax ka tirsan dawlada Kenya ay dhawaan tageen magaalada Hargaysa.

Waftiga Kenya tagay dhawaan waxaa hogaamiyay gudoomiyaha gobolka Jaadku ka baxo ee Miiraa Peter Munya waxaana mas’uulkaas sheegay in jaadka Kenya ka baxa marka ay Hargaysa geeyaaan ka rajaynayaan in laga helo lacag dhan billion oo lacagta Kenya.

Hadalka Danjiraha iyo qoraalka safaarada ayaa daba socda hadal hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga uu ka jeediyay xarunta Chattam House ee London.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@ive.com