Dalal ka adkaan la amnigooda oo ku mashquulsan Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Kulan dhexmaray Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka France ayaa waxa ay uga wada hadleen xaaladaha ka taagan dalka Somalia sida Doorashada iyo Amniga.

Madaxweynaha Kenya ayaa Wasiirka uga warbixiyay xaalada dhabta ah ee ka taagan Somalia, waxa uuna ka dalbaday in France ay garab ka geysato xaalada Somalia.

Kenyatta waxa uu Wasiirka u sheegay in dowladiisu ay xooga saarto sida Somalia ay u heli laheyd amni iyo xasilooni, sidoo kale waxa uu ugu baaqay in dowlada France ay buuxiso kaalinteeda.

Kenyatta waxa uu Wasiir Jean-Marc Ayrault u sheegay in Ciidamada AMISOM ay halis ugu jiraan inay burburaan dhaqaale yari aawgeed sidaa darteedna France looga baahan yahay inay qeyb ka noqoto dowladaha garabtaagan Somalia iyo ciidamada AMISOM si loo dhameystiro howlaha amni ee ka socda Somalia.

Wasiir Jean-Marc Ayrault ayaa u balan qaaday Madaxweyne Kenyatta in Dowladda France ay dhanka amaanka ka taageeri doonto Somalia iyo Kenya, waxa uuna si gaar ah farta ugu goday inay ka dhexmuuqan doonaan dowladaha u gurmanaaya ciidamada AMISOM.

Mr. Jean-Marc ayaa Dowladda Kenya waxuu ku amaanay Dowlada Kenya doorka ay ka qaadaneyso soo celinta Nabada iyo Xasiloonidii ka jirtay Dalalka Somalia.

Amaanka ka jira dalalka France iyo Kenya ayaan caga fiican ku taagneyn waxa ayna muujinayaan in Somalia ay ku garab istaagayaan dhanka amniga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@ive.com