Xog: Britain oo soo faro-galisay doorashada Somalia ee 2016-ka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa madaxtooyada Somalia ku kulmay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Britain u qaabilsan Arrimaha Afrika, iyagoo kulankooda uga wada hadlay arrimaha doorashada iyo Amniga magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasiirka warbixin kooban kasiiyay qaabka ay dowlada Somalia u qorsheyneyso doorashada iyo sida lagu xaqiijin karo amaanka magaalada Muqdisho mudada ay socto doorashada.

Xassan Sheekh waxa uu Wasiirka u sheegay in dowlada Somalia ay ka go’an tahay inay ka dhabeyso qabsoomida doorashada Somalia iyo inay ku dadaasho sida lagu xaqiijin lahaa amniga magaalada Muqdisho.

Xassan waxa uu sidoo kale u sheegay inay jiraan dhaqaalo xumi soo foodsaareysa dowlada taasi oo ugu wacan inaan la qaadin talaabooyinkii lagu gaari lahaa doorashada balse uu qorshuhu yahay in dowlada Somalia ay hirgaliso dadaalkii laga sugaayay.

Xassan waxa uu sidoo kale u cadeeyay inay jirto wakhti xumi soo foodsaareysa dowlada Somalia, waxa uuna carab dhabay in dadaalkooda uu yahay mid culeyska lagu saaraayo doorashada.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa Madaxweynaha Somalia u sheegay in Britain aysan aqbali doonin in doorashada Somalia ay kadib dhacdo wakhtigeeda waxa uuna Xassan Sheekh ka dalbaday inuu ka dhabeeyo heshiiskii ay wada gaaren Madasha oo ay goobjooga ka ahaayen Beesha Caalamka.

Waxa uu kadigay in dowlada Somalia ay qaadacdo Heshiiskii goobjooga loo ahaa waxa uuna Xassan Sheekh ku amray inuu muujiyo kalsoonidii lagu qabay.

Madaxtooyada Somalia ayaa dajisay Jadwal cusub oo lagu hirgalinaayo dib u dhaca doorashada Somalia, waxaana lagu wadaa in Jadwalkaasi la hordhigo Madasha Qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@ive.co