Xog: Jawaari oo madaxweyne loo diyaarinayo kadib markii Xasan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Hubanti la’aan sharciyeed iyo xaalad cakiran ayaa hareysay xaaladda Soomaaliya iyadoo lagu wado in dib loo dhigo xilliga doorashada 2016 oo lagu waday inay soo dhammaato horaanta bisha September.

Arrinta ugu weyn ee la isku hayo ayaa ah xilka madaxweynaha oo ku eg 10 September iyo cidda markaas kadib madaxweyne ka noqon doonta dalka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhowaan wax ka bedel ku sameeyay Baarlamaanka iyadoo sharciyeystay in xilkoodu sii jirto inta laga dooranayo Baarlamaankii bedeli lahaa Baarlamaanka Federaalka ee hadda jira oo la dhisay Ogost 2012.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marka xilkiisu dhamaado oo ku beegan 10 Septembar 2016 oo ay ka harsan tahay iminka wax ka yar 40 casho, laga doonayaa inuu talada wareejiyo, isagoo aan ku jirin hay’daha xilka sii wadi doona, waxaana sharciyaqaanada qaarkood ay qabaan inuu madaxweyne KMG ah noqon doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari inta laga soo dooranayo madaxweyne cusub.

Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ayaa ka hadlaya haddii ay dhacdo inuu bannaanaado xilka Madaxweynaha in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu madaxweyne KMG ah noqonayo oo muddo 30 casho ah lagu qabanayo doorasho.

Ma muuqato in Baarlamaanka Federaalka ee shaqadii laga joojiyay uu xilka u kordhinayo madaxweyne Xasan Sheekh sida ay iyagu sameysteen, sidoo kale Dastuurka KMG ah si cad uma sheegayo haddii ay dhacdo in xilka Madaxweynaha la dooran waayo xilligii loogu talogalay, waxaase ku jira qodob muujinaya sida xaalku noqonayo haddii xilka Madaxweynaha bannaanaado sabab kastaba.

Ma jirto sabab uu madaxweyne Xasan Sheekh Madaxweyne ku sii ahaan karo kadib marka uu dhammaado xilkiisa hortaanka bisha soo socota ee Seprember, waxaana cabsi laga qabaa in dalku galo xiisad sharci iyo xasilooni la’aan siyaassadeed haddii uu isku dayo inuu xilka madaxweyne sii wado Xasan Sheekh Maxamuud.

Hoos ka aqri qodobada 91-aad iyo 95-aad

Xil-Madaxweyne2Xil-Madaxweyne

Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaaari) ayaa loo diyaarinayaa inuu markii ugu horeysay madaxweyne ka noqdo Soomaaliya isagoo aan wax loolan ah u gelin. Xildhibaano badan iyo musharixiin ayaa taageersan inuu Mudane Jawaari xilka madaxweynaha la wareego laakin waxay tani caqabad ku noqoneysaa damaca Jawaari ee ah inuu mar kale noqdo guddoomiyaha Baarlamaanka Aqalka hoose.

Maxkamadda Sare oo arrimaha khilaafka dastuuriga ah hadda u xil saaran kadib markii dowladda Xasan Sheekh ku fashilantay inay dhisto ayaa waxaa guddoomiye u ah mas’uul cusub oo la filayo inuu u xagliyo madaxweynaha khilaaf kasta oo ka dhasha sharciyadda madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@ive.com