Erdogan oo soo bandhigay sirta reer galbeedka iyo dhaqan xumo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Dayyip Erdogan ayaa markii ugu horeysay ku dhiiraday inuu sifeeyo waxa reer galbeedku ay howshoodu tahay.

Recep Dayyip Erdogan, waxa uu sheegay in inbadan uu daraaseeyay sida ay u shaqeeyan reer galbeedka waxa uuna cadeeyay inay yihiin keliya kuwo ka shaqeeya Qaraxyada argagixisada iyo Afganbinta dowladaha Islaamka.

Recep Dayyip Erdogan ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu madaxtooyada kula qaatay Hantiilayaal maalgashta dalka oo heer caalami ah.

Waxa uu talaabo aad u liidata ku sheegay talaabooyin ka dhan ah Turkiga oo reer galbeedku ku dhaqaaqeen afgambigii dhicisoobay kadib.

Kulanka waxa uu ka sheegay inuu aad ula yaabay markii Germalku diiday in madaxweynuhu muuqaal toos ugu khudbadeeyo kumanaan Turki ah oo isugu soo baxay fagaare ku yaalla Magaalada Cologne.

Erdogan waxa uu sidoo kale, tusaale usoo qaatay in sanadkii 2011 Germalku isla magaalada Cologne u ogolaaday in sarkaal sare oo katirsan ururka PKK muuqaal toos ah kula hadlo taageerayaasha ururka PKK, waxa uuna taasi ku tilmaamay inay tahay dabin u taalla reer galbeedka.

Erdogan waxa uu sidoo kale, tusaale usoo qaatay qoraal lagu daabacay dhalooyinka ama shaashadaha laga daawado Garoonka diyaaradaha Vienna ee dalka Austria oo lagu qoray (Do not go Turkey You will be supporting Erdogan), sida uu sheegay Madaxweyne Erdogan oo la hadlaayay maalqabeeno caalami ah.

Erdogan waxa uu sheegay in dowladaha Reer galbeedka aysan ka shaqeyn maslaxadooda balse ay yihiin kuwo taageera Argagixisada iyo Afganbiyada ka dhacay wadamada Islaamka.

Dhanka kale, Erdogan waxa uu shacabka dalka Turkiga uga digay in walaal ay u qaatan waxa uu ugu yeeray Cadowga islaamka iyo kan Turkiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com