Xog: Shariif Xasan oo taageeray qorshaha cusub ee Xasan Shiikh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan oo habbeenimadii xalay kulan saacado badan qaatay la yeeshay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh ayaa waxa ay uga wada hadleen qorshaha lagu dib dhigaayo doorashada Somalia.

Madaxweyne Xassan waxa uu qorshihiisa sharaxaad kasiiyay Shariif Xassan oo waayahaani ay ku mataanooben Siyaasada Somalia.

Xassan Sheekh waxa uu Shariif Xassan u sheegay inay adag tahay in doorashada la qabto xiligeeda islamarkaana uu maamulada ka dalban doono inay uga raali noqdaan in doorashada la dib dhigo, waxa uuna dhankiisa ka dalbaday inuu taageero qorshaha cusub ee uu wato.

Xassan Sheekh waxa uu sidoo kale, Shariif Xassan u sheegay in cabsi xoogan ay ka heysato dhanka Jubbaland iyo Puntland oo iyagu ku dhagan mowqifkii ahaa in doorashada xiligeeda ay dhacdo, sidaa darteedna uu uga baahan yahay inuu taageero qorshaha lagu dib dhigaayo.

Shariif Xassan ayaa dhankiisa ka sheegay inuu taageeri doono go’aanka cusub ee lagu dib dhigaayo doorashada Somalia, waxa uuna Shariif qudhiisa cadeeyay in wakhtiga harsan aan lagu qabankarin doorashada.

Shariif Xassan waxa uu Xassan Sheekh u ballanqaaday in garab uu kusiin doono sida lagu taageeri lahaa dib u dhaca doorashada, waxa uuna sidoo kale u ballanqaaday xitaa in maamulada dalka uu ka dhaadhicin doono inay taageeran go’aanka lagu dib dhigaayo doorashada wakhti yari jirta aawgeed.

Dhanka kale, maanta oo Arbaca ah ayaa lagu wadaa in Guddiga doorashooyinka Somalia ay Madasha hordhigaan hanaanka ay ku shaqeynayaan iyo qaraar ah in doorashada dib loo dhigo muddo Seddex bil ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com