Shirka Madasha oo magaalada Muqdisho Ka furmay (Sawiro)

Muqdisho(Caasimada Online)-Saacado ka hor magaalada Muqdisho waxaa ka furmay shirka ay yeelanayaan madaxda madasha wadatashiga qaran ee dalka Soomaaliya, kaasi oo go’aano cad looga qaadanayo arimaha doorashooyinka.

Shirkaasi ayaa waxaa hortaala qodobo badan oo ay ugu horeeyaan arimaha amaanka, doorashooyinka dalka iyo iney go’aan mideysan wada qaataan madaxda madasha wadatashiga qaran.

Shirkaasi oo ay ka qeyb galayaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo madaxda dowlada Soomaaliya ayaa markaan waxaa Galmudug u matalaya madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mr Carabeey , maadaama madaxweynaha uu xaalad caafimaad ugu maqan yahay dalka Dibadiisa.

Haddaba maxa ugu waaweyn oo horyaala madaxda madasha:-

Go’aan ka gaaridda iyo howlgelinta guddiyada doorashooyinka 2016:

Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga Doorashada Dadban ee heer gobol (SIEIT)

Ansaxinta tirada oday-dhaqameedyada tagaya goobaha  dorashooyinka aay ka dhacayaan (elder Mapping by State)

Musharaxiinta haddi kursi hal qof keliya u soo tartamo maxaa laga yeelaayaa?

Ansaxinta waajibaadka shaqo (TOR) Guddiga xallinta Khilaafaadka iyo Magacaabida xubnaha guddiga.

Dhisida iyo soo gudbinta Aqalka Sare ee Dowlad Goboledyada dhisan ugu dambayn. Tusaale bisha September 1-da, 2016

Go’aan ka gaaridda hannaanka iyo goobta lagu soo dooranayo xubnaha labada aqal ee Somaliland; Shabellaha-dhexe & Hiiraan.

Guddiga matalaadda xubnaha Aqalka Sare gobolka Banadir iyo howl-galintooda

Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga (Task Force-ka) ka shaqayn doono amniga dorashooyinka

Habraac lagu xaqiijinaayo qoondada Haweenka ee 30% ee laba aqal ee Barlamaanka. Waxaa Madasha u soo bandhigaya farsamada lagu hubin karo qoondada dumarka Guddiga Safiirada Idman (Good will Ambassadors)

Go’aan ka gaarista iyo soo bandhigidda Qorshe howleedka waqtiyeeysan iyo Miisaaniyadda  Doorashooyinka 2016.

Wada-hadalka arrimaha aminga guud ee qaranka Somaaliya:

Aragtida fog ee Amniga qaranka Somalia iyo sidii lagu dhisi lahaa ciidan Soomaaliyeed oo tayeysan.

IB0A2472 IB0A2475 IB0A2478 IB0A2487 IB0A2489 IB0A2492 IB0A2500

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com