Guuleed oo looga digay 2 arrin oo halis ku ah Caafimaadkiisa

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa wali dalka India ku xanuunsan Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo dhawaan qaliin looga sameeyay wadnaha.

Ilo ku dhow dhow Madaxweynaha kuna sugan dalka India ayaa xaqiijiyay in xaalada C/kariin Guuleed ay tahay mid caadi ah balse xiliyada qaar uu qabanaayo xanuun.

Qaliinka ayaa la sheegay in lagu guuleystay islamarkaana looga sameeyay xidid ku yaalla Wadnaha oo gudbinta dhiiga yareeyay.

Sidoo kale, ilo wareedka ayaa sheegay in dhakhaatiirta gacanta ku heysa dabiibida C/kariin Guuleyd ay ka digeen laba arrin oo la sheegay in xanuunka uu saraqaadi karo haddii uusan ka gaabin.

Dhakhaatiirtu waxa ay sheegtay in caafimaadka C/kariin Guuleed uu ka wacan yahay sidii hore balse haddii uu doonaayo inuu helo Caafimaad uu ka baxo waxyaabaha la xiriira Siyaasada iyo inuu iska ilaaliyo sida gacanqaadka ama wixii dhib u keenikara xanuunka wadnihiisa.

C/kariin Guuleed ayaa iminka ku sugan xaalad caadi ah balse waxa uu dalkaasi kusii sugnaan doonaa dhowr asbuuc inta uu ka dhameysanaayo dawooyinka u socda.

Docda kale, C/kariin Guuleed ayaa waxa uu xanuunkaani hayay tan iyo markii uu kusoo biiray siyaasada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com