Ethiopia oo wakhti kordhin ku sameysay baaritaanka kiiska Cabdi Cumar (Sababta)

Jigjiga (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa xariga Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Cumar oo maanta Jimca ah lagu waday in Maxkamad lasoo taago, kaasoo loo heysto dacwado kala duwan.

Cabdi Cumar oo arrinkiisa uu sii weynaanayo ayaa waxaa la sheegay in Xeer Ilaalinta Ethiopia maanta la siiyay muddo dheeraad ah oo ay ku soo baaran dacwadaha loo haysto Madaxweynihii hore.

Xeerilaalinta ayaa horay u dalbaday baaritan soconaayay 10 Beri oo maanta ku egeyd balse  maanta ayey markale codsadeen in la siiyo wakhti dheeraad ah si ay usi wadan baaritaanka kiiska Cabdi Cumar.

Cabdi Cumar ayaa qirtay qaar kamid ah kiisaskii loo hayay, sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan maamulka DDS oo gacanta kula jira dacwada.

Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hadda ku xiran xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, waxaana xusid mudan in ehelkiisa ay sheegen in xaalad Caafimaad daro ay soo wajahday.

Si kastaba ha ahaatee, Cabdi Cumar ayaa waxaa loo heystaa in uu geystay xadgudubyo ballaaran oo ay ka mid yihiin dilal, Barakicin iyo ku takrifal Awoodeed.

Caasimada Online

Xafiiska Jigjiga

Caasimada@live.com