Qarax xoogan oo caawa ka dhacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in caawa uu Qarax xoogan ka dhacay Suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa uu aad u xooganaa ayaa waxaa inta badan laga wada maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhashay Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo la doonaayay in gudaha loo soo galiyo magaalada.

Qaraxa ayaa si gaara uga dhacay meel ku dhow Amal Bank Suuqa bakaaraha waxaana ka dhashay burbur iyo khasaaro hantiyeed.

Saraakiisha amaanka iyo ciidamo aad u badan ayaa ku sugan goobta waxaana xusid mudan in Qaraxa uu dhacay wakhti danbe oo caawa ah.

Ma cada nooca uu ahaa Gaariga, waxaana soo baxaaya warar kala duwan oo ku aadan Qaraxa mana la oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com