Aqalka Sare oo shaaciyey liiska magacyada wafuuda loo kala dirayo maamul goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaciyey magacyada xubnaha aqalka ee la qorsheeyey in loo kala diro maamul goboleedyada, si ay xal uga gaaraan khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Guddigaan ayaa loogu tala galay in ay kasoo talabixiyaan Cabashadda dowladda dhexe ay ka muujiyeen maamul goboleedyadda iyo wada shaqeyn xumada ka jirta dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.

Golaha Aqalka Sare waxa ay sheegeen in ay gudan doonaan waajibka dastuurkiga ah ee ka saaran maamul goboleedyadda, islamarkaana ay dadaal badan ay ku bixin doonaan sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinka xilliggaan taagan.

Khilaafka ka dhaxeeya Madaxda maamulada iyo dowladda dhexe ayaa sii xoogeystay ka dib markii dhawaan Madaxda maamulada ay ku dhawaaqeen in ay hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Haddaba hoos ka aqriso liiska caawa soo baxay