Sacuudiga oo Spain kasoo iibsanaya gantaalo casri ah

Riyadh (Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa Hub nooca casriga ah ka iibsaneysa dowlada Spain, kadib heshiis Hub iibsi oo dhexmaray labada dal.

Hubka ay dowlada Sacuudiga ka iibsaneyso Spain ayaa lagu sheegay gaadiid ay ku xiran yihiin gantaalada Casriga ah kuwaa oo gaaraya 400.

Sacuudiga ayaa sheegay in Hubkaasi uu ka duwan yahay noocyada ay horay u isticmaali jirtay, waxaana lagu wadaa in Spain ay kala soo wareegto todobaadkan.

Hub iibsiga Sacuudiga ayaa imaanaya iyadoo Xukuumada Spain ay asbuucii lasoo dhaafay hakisay mashruucan hubka looga iibinayey dalka Sacuudiga, kadib markii ay hay’adaha xaquuqul insaanka ay cadaadis ku saareen dowladaha reer Galbeedka inay joojiyaan hubka ay siinayaan Boqortooyada Sacuudiga oo ku eedeysan xasuuqa shacabka Yemen.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Spain Josep Borrell, oo ka duulaya baahida uu dalkiisa u qabo iibgeynta Hubka ayaa sheegay in go’aankii hore ay dib uga noqdeen waxa uuna cod dheer ku sheegay in hubkaasi lagu wareejin doono Sacuudiga.

Wasiirka ayaa sheegay in heshiiska iibka hubkan uu ahaa mid la saxiixay sanadkii 2015 isla markaana yahay mashruuc ka horeeyey xukuumada hada talada heysa ee wadanka Spain, Josep Borrell ayaa intaasi raaciyey inaysan jirin sabab ay ku joojiyaan heshiiska ay ku iibinayaan hubkooda.

Dowlada Sacuudiga ayaa la sheegay in afarta wadan oo ugu waaweyn oo ay hubka kasoo iibsato ay yihiin Maraykanka, UK, France iyo Spain, kuwaasi oo hada cadaadis kala kulmaya hay’adaha xaquuqul insaanka ee doonaya joojinta hubka laga iibiyo xukuumada Riyadh.

Dowlada Sacuudiga ayaa dagaal qabooban kula jirta dowlada Qadar iyo dowlado kale oo lidi ku ah danaheeda Siyaasadeed.

Ma cadda baahida dowlada Sacuudiga ku khasbeysa in xiligan ay iibsato hub hor leh oo loogu tallo galay in meelo fogfog wax looga gumaado.

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
Caasimada@live.com