Halkee ayuu ku danbeeyay wada-hadalka u socday Ethiopia iyo ururka ONLF ?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa wadahadal u dhexeeya dowladaha Ethiopia iyo Ururka ONLF ee dagaalka kula jira dowladaasi.

Wadahadalka dowlada Ethiopia iyo ONLF ayaa gaaray heerkii ugu wanaagsanaa waxaana wali qabyo ah qodobada isku soo dhaweyn lahaa labada dhan.

Afhayeenka ONLF Cadaani Hiirmooge ayaa sheegay in qaabka uu u socdo wadahadalka uu yahay mid wanaagsan isla markaana ay ka filayaan natiijooyin wanaagsan.

Cadaani oo u waramaayay Idaacada BBC ayaa sheegay in wadahadalka kala dhexeeya dowlada Ethiopia uu yahay mid waxbadan ka duwan kuwii hore, waxa uuna cadeeyay in labada dhan ay ku qanacsan yihiin sida uu u socdo wadahadalka.

Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Anaga iyo Ethiopia waxaanu isla garanay inaan wadahadal ay daacadnimo ku jirto ka yeelano arrimaha na kala fogeeyay waana isku afgaranay”

“Waxaanu u sheegnay inay muhiim tahay in laga wadahadlo tabashooyinka Soomaalida iyo waxa ku kalifaaya inay u dagaalaman waxa ka maqan dabcan way soo dhaweeyen balse waxaa wali qabyo noo ah wadahadalka”

Cadaani, waxa uu sheegay in iminka ay is furfurtay Ethiopia isla markaana laga soo gudbay waxyaabihii hore ee caqabada ku ahaa wadahadalka labada dhinac, sida uu haddalka u dhigay.

Waxa uu Cadaani tilmaamay in dowlada Ethiopia xitaa ay diyaar u tahay in dib loogu laabto dastuurka dalka si loo saxo khaladaadka jira waxa uuna aad usoo dhaweeyay qaabka uu u socdo wadahadalka.

Waxa uu carab dhabay in Ethiopia ay qaadatay in lagu laabto qodobada dastuurka gaar ahaan kuwa dhigaya aayo ka talinta, qodobka awood qeybsiga, qodobka xuquuqul insaanka iyo wixii la halmaala.

Docda kale, waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in wadahadalka socda ay kasoo bixi doonaan natiijooyin maslaxad u ah labada dhan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com