Dad Soomaali ah oo lacag magdhaw ku helay amar loogu diiday SALAADDA

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkada Cargil ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa bixineysa lacago magdhaw ah oo la sheegay inay siin doonto dhalinyaro Soomaali Mareykan ah oo kamid ahaa shaqaalaheeda.

Shirkada oo shaqaalahaasi ka hor istaagtay Dukashada Salaada ayaa lagu xukumay bixinta lacag dhan $1.5 Milyan oo dollar-ka Mareykanka ah.

Dhalinyarada Soomaali Mareykanka ayaa la sheegay in cadaadis wakhti qaatay kadib ay shaqada ka tageen si ay usii wataan salaadahooda  waxaana dacwad ka gudbiyay Soomaalida.

Shaqaalaha ayaa dacweeyay shirkada waxaana lagu ganaaxay bixinta lacagta $1,5 Milyan oo magdhow ah kadib markii lagu helay in ay ku xadgudubtay xuquuqda dadka rayidka ah.

Shirkadani lagu xakumay magdhawga ayaa waxa ay xarunteeda ku taalla Gobolka Colorado ee Dalka Mareykanka taa oo sameysa Hilibka.

Shaqaalaha sida joogtada ah uga howlgala shirkada ayaa tiradooda lagu sheegay 138 shaqaale kuwaa oo ka howlgali jiray baceynta iyo Baakadeynta Hilibka Warshadeysan.

Sidoo kale, madaxa Sharikadda Cargil, Brian Sikes, ayaa sheegay in ay u hoggaansameen xukunka Maxkamadda sidoo kalena shaqaalaha ku soo laabanayaan shaqada iyada oo la siinayo waqtiyada salaadda ee ay u baahanyihiin.

Inta badan shirkadaha reer Galbeedka ayaa shaqaalahooda muslimka ah ku cadaadisa inay ka tagaan salaadahooda si ay uga sii shaqeeyan shirkada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com