QARAXII labaad ee GAARI GACAN loo adeegsado oo ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qaraxa habbeenimadii xalay ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa uu aad u xooganaa ayaa waxaa inta badan laga wada maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhashay Gaari gacan laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo la doonaayay in gudaha loo soo galiyo magaalada.

Qaraxa ayaa si gaara uga dhacay meel ku dhow Xawaalada Amal Suuqa bakaaraha waxaana ka dhashay burbur iyo khasaaro hantiyeed.

Saraakiisha iyo ciidamada amaanka ayaa ku sugnaa  goobta waxaana xusid mudan in Qaraxa uu dhacay wakhti danbe oo xalay aheyd.

Waxaa soo baxaaya warar kala duwan oo ku aadan Qaraxa mana la oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxa.

Qaraxa noocaas ah ee loo adeegsaday gaari gacan ayaa noqonaaya kii labaad oo lagu soo xiro gaari waxa uuna kii koowaad uu ka dhacay suuqa siinaay asbuucii tagay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com