DF oo shaacisay lacagta ku baxda matoorada dabka ee garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Somalia Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar) ayaa daboolka ka qaaday in dhaqaale xoogan ay ku baxdo  Matoorada dabka siiya Garoonka Muqdisho.

Wasiir Oomar, ayaa sheegay in dhaqaalaha Bil waliba ku baxa Matoorada Garoonka diyaaradaha Muqdisho ay tahay $11,000.

Oomaar, ayaa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan duulista hawada ee ICAO ka dalbaday in xal loo helo sidii looga gudbi lahaa isticmaalka matoorro ay hay’addu maamusho oo dab siiya garoonka.

Waxa uu sheegay Wasiirku inay muhiim tahay in dowladu ay iyadu soo iibsato Matoorro si qarashaadkaasi u baaqdan, waxa uuna tilmaamay inay sii kordhi karto dhaqaalaha.

Waxa uu intaa raaciyay in dowlada Somalia aysan ka maarmi karin inay milkiso matooro u gaara oo dabka siiya Garoonka, halka ay ku tashan lahaayen Matooro kale.

Dowladda Somalia ayaa ku guuelysatay inay la soo wareegto maamulka hawada Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 1991 laga maamulayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana gacanta ku heysay Hay’adda ICAO.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiir Oomaar ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu magaalada Montréal kula qaatay madax ka tirsan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan duulista hawada ee ICAO.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com